KU OGOOW DA’DA DADKA GACAN QAAD!!!

0
217

daraasad cajiib ah aya xustay in habka qofku u gacan qaado dadka hadday noqoto hab dabacsan, adag ama ay ka muuqato awood darro ay ku tusayso da’diisu halka ay taagan tahay taaso ay sameeyeen waxyaabo ay ku caddaynayan daraasadan oo wargaysyo badan daabaceen.

Koox ka socota Machadka Caalamiga ah ee cilmi baarista (International Institute for Applied System Analysis) ee dalka Austria, ayaa soo bandhigay Cilmi baaris ay ku muujiyeen in habka qofku u qacan qaado dadka xilliyada uu salaamayo ay muujiso da’diisa dhabta ah.

Cilmi baarayaashan waxay aaminsan yihiin in tijaabada gacan-qaadku tahay mid lagu ogaan karo da’da dhabta ah ee qofka waa haddi qofku yahay qof wax garad ah ama qiyaasta ku dheereeya (imagination).

Daraasadan oo lagu daabacay jariirada (Science One) waxaa dib u eegis lagu sameeyey 50 daraasadood oo lagu eegay da’aha kala duwan ee bani aadamka ilaa iyo iminka.

Dr. james Scherbov oo kamid ah cilmi baarayaasha ayaa waxa uu sheegay in ujeeddadoodu tahay in ay gacanta ka cabbiri karaan da’da bulshada qaybeheeda kala duwan.

hadaba aqriste warbixintan hadi ay si cad u hirgasho waxay noqoneysaa sheeko aad loola hyaabo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY