Federaal Sharafeed Iyo Maamul Gobolleedyo Qabyaaladeysan.

0
194

Sida aan wada ognahay islamarkaasna ay ku celceliyaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in sanadka 2016 da ay Dalka ka hirgaliyaan Doorasho guud oo qof iyo codkiisa ah oo shacabka Soomaaliyeed ay si madax banaan oo cabsi aysan ku jirin u doortaan qofka ay doonaan.

Hase ahaatee waxaa is waydiin ka taagan tahay in la hayo wadadii lagu gaari lahaa sheegashadaasi oo laga cabsi qabo in waddo kale ay nagu furto haddii aanan laga sii fikirin qaabka loo suuragalin karo ama loo sameyn karo wax badel ah haddii lagu guulaysan waayo, maadaama waqtiga harsan iyo shaqada la doonayo in la qabto ay kala badan yihiin.

Marka dib loo eego dhismihii Baarlamaanka xiligan iyo doorashadii ay doorteen Madaxweynaha Federaalka Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ee aan ugu soo gudubnay kumeelgaarkii waxaa la oran karay way aboodeen in shaqadooda ay gutaan balse fursadaas waxa ay qaldantay markii wasiirkii koowaad ee hore uu soo dhisay toban wasaaradood oo qaar ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan la isku jumleeyay hal qofna loo dhiibay.

Ma xumeyn in wasiirada la yareeyo balse waqtigeeda lama gaarin waxaase ka sii darneyd in wasiirada ugu muhiimsanaa la isku jumleeyay, qofna loo dhiibay iyadoo waliba si ka fiirsi la,aan ah loo yiri waxaan ka gudubnay 4.5 oo si isla eg loogu qeybiyay beelaha soomaaliyeed.

4.5 Xalaal Ma ahan ee waa xal lagu soo heshiiyay.

4.5 waa sharci aanan cadaalad aheyn balse yaanan iska indha tirin in lagu soo heshiiyay sidaas ayaana lagu soo wada socday haddii laga gudbaayana qof iyo labo iskama go,aamin karaan waa in bulshada oo dhan iska aragtaa oo go,aan mideysan laga qaataa, sida ay ila tahay.

Waxaa kaloo ila qaldanaa in qaab dhismeedka xukuumada iyo shaqooyinka kale ee Dowlada la isugu dhiibo saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn hore oo la lahaa waayo madaxweynaha kuma imaan xisbi siyaasadeed ee waxaa saaciday awood qeybsi beelleed oo ah qaab siyaasadeedka ay wali wax noogu dhisan yihiin sidaas darteed waa in la qiimeeyaa awood qeybsiga beelaha.

Bilowgii dib u dhaca Dowlada Federaalka.

Khaladaadkaas ka dhacay Madaxda sare ee Dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarihii hore Saacid ayaa waxaa ka dhashay carro iyo is xulafeysi ay sameysteen Siyaasiin iyo maamul gobolleedyo iska dhex waayay Xukuumada kadibna dib u dhac weyn u keenay shaqadii dowladda oo ugu dambeyn sanad kadib ku qasbay in ay isqabqabsadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarihiisii hore illaa Baarlamaan wada wasiir raadis ah ay codka kala laabteen Saacid iyo xukuumaddiisii.

Kadibna ka daroo dibi dhal ayaa timid oo intay islahaayeen dib u saxa khaladkii sanad ka hor ay sameeyeen ayay la yimaadeen xukuumad Beel qancin ah oo ciidaa ka badan, 55 wasiiro. Wasiir ku xigeeno iyo wasiiriu dowlayaal oo qaar ka mid ah raggii loo magacaabay ay ku qanci waayeen.

Iska daa in ay shaqo qabtaane waxaaba dhibaato ka taagan tahay sidii ay u kala qaynbsan layaaheen waajibaadkooda tusaale ahaan wasiirka Amaanka qaranka ayaa jira iyadoo wasaarada arimaha gudaha ay masuul ka tahay howlaha gudaha iyo Booliiskaba halka wasaarada gaashaandhiga ay masuul ka tahay Amaanka xuduudaha iyo dalalka kale lala wadaago marka muxuu qabanayaa wasiirkaasi mise waa taliyaha Ciidamada Qalabka sida oo hoostaga wasaarada gaashaandhiga.

Maamul Gobolleedyo Qabyaaladeysan iyo Dagaal Dhul balaarsi ah.

Dalka waa federaal sida ku qoran Dastuurka Kumeelgaarka ah ee hada aan leenahay waxaana uu leeyahay labo gobol iyo ka badan waxa ay noqon karaan Maamul Gobolleed haddii ay is fahamsan yihiin sidaas darteed dagaal dhul balaarsi ayaa ka dhex bilowday beelihii Soomaaliyeed ee nabada ku wada noolaa halka Maamullo aananba u joojin Dowlada Federaalka ay dhisan yihiin kuwaas oo isu arka in ay ka mudan yihiin Dowlada Guud ee dadka ay ku mideysan yihiin.

Jubaland ayaa hirgashay inkastoo heshiiskii lala galay uu qorayo in ay yihiin maamul balse iyaga waxay isu arkaan dowllad Gobolleed madaxweynahooda iyo wasiirada ay u dhamaystiran yihiin taageerana ka haysta dowlada ka xureysay Al shabaab ee Kenya, Koonfur galbeed oo ah Bay Bakool iyo gobolo kale ayaa iyana dhamaad ku dhow waxaana hada ay la dhacsan yihiin in Itoobiya ay la wareegtay Amaankooda Puntland waxyba iska aheyd buddo gaar u tuman Somaliland na iskaba daa.

Dowlad Federaal Sharfan.

Haddaan maqli jirnay Madaxweyne Sharafeed oo ah Madaxweyne aysan shacabka dooran oo aanan awood laheyn waxaa suuragal ah in maamulada hirgalay ee amaankoodana ay masuulka ka yihiin Ciidamada Ajaaniibta ah iyo Puntland ay 2016 sameeyaan doorasho u gaar ah gobolaladooda oo ah qof iyo codkiisa halka dowladda federaalkana ayba ka gudbi waayayso shaqo isku qabqabsi iyo muran joogta ah iilleen iyagaa kala jajabiyay wasaarado aanan kala qaadmin si ay beelaha ugu qanciyaan, waa sida ay illa tahay tii Allese waa gaar.

Taasna waxa ay keeni kartaa in Awooda xukunka Dalka ay qaadaan Maamulada halka Dowlada Federaalkana ay u soo dirsadaan Madax sharafeedyo aanan awood laheyn sidaasna Dowlada Federaalka ay ku noqoto Federaal Sharfan oo aanan waxba galin Maamul Gobolleedyadana ay halkaasi ka wataan shaqadooda oo midkasta uu u dhaqmo sida Jaziirad madaxbanaan oo ay u dhan yihiin siyaasadahooda gaarka ah.

Tallo Bixin.

Caano daatay waa la daba qabtaa ee waxaan ku tallin lahaa in dib loogu laabto qaab dhismeedka xukuumadda, iyadoo la qiimeynayo awood qeybsiga Beelaha ayaa hadana la soo koobi karaa misana Beelaha laga soo qaadan karaa Masuuliyiin wax gal ah oo u qalma jagada loo dhiibo, waa in boqolkiiba boqol awooda la saaraa wada shaqeyn dhab ah oo dhex marta Maamulada dhisan iyo Federaalka lala shaqeeyaa kuwa doonayo in ay hada dhistaan maamuladooda islamarkaasna la kala dhex galaa beelaha is haysta ee ku dagaalamaya dhulka.

Beelkastana lagu qanciyaa in ay yeelato maamulka meesha ay ku badan yihiin ama ay degaan haddii lagu wareerana loo tala badsanaa balse marnaba aanan indhaha laga dadban dhiig sii daata oo sii kala fogaynaya shacabka walaala ah iyo dowladda federaalka oo ah halka ugu xun ee laga haysto Dowladnimada Soomaaliya.
By: Abdullahi Jama
Jama2015@gmail.com

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY